4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2017
BELEDWEYNE : Ardey ka qalinjabisay faraca Jaamacada Job Key ee gobolka Hiiraan


Isniin, November, 20, 2017 (HOL) - Arday tiradoodu gaareysay 31 oo dhameysatay waxbarashada heerka 1-aad ee Kulliyadaha Jaamacada Jobkey faraceeda Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xaflad qelin jebin ah loogu qabtay halkaas, iyadoo shahaadooyina la gudoonsiiyey.

Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay ka soo qeyb galay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte, Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waalidiin, Maamulada Iskuulada iyo shirkadaha ku yaalla Magaalada Beledweyne qaarkood iyo marti sharaf kale.

Dhamaan Mas’uuliyiintii ka hadlay xafladda ayaa waxay bogaadiyeen Ardayda maanta Qalin-jabiyay, iyagoo ku guubaabiyay inay ka Shaqeeyaan Horumarinta dalkooda.

Madaxa Akedemiyada Jaamacada Jobkey Maxamed Xasan Doob ayaa sheegay in Jaamacaddu dabooshay baahiyo dhanka Waxbarashada sare ah oo dalka ka jiray ayna sii wadi doonto dedaalkeeda arintaas ku saabsan isagoo u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte oo khudbad ka jeedinay Munaasabadda wuxuu xusay in maamulkiisu ku dedaaki doono in uu shaqo u abuurto dhallinyarada dhameysatay Jaamacada Jobkey faraca Beledweyne, isagaoo hambalyo ka dib kula dardaarmay ardayda qelin jebisay inay aqoontooda sii wataan si ay dalkooda dadkooda iyo naftoodaba wax ugu qabtaan.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale kaga dhawaaqay munaasabaas dhul ku yaalla magaalada Beledweyne oo maamulkiisu ugu deeqay Jaamacada Jobkey si ay xarumo waxbarasho uga dhistaan, isagoo ku amaanay dedaalka ay ugu jirto horumarinta Waxbarashada.

Ardayda xafladda qalin-jabinta ah loo qabtay ee dhameystay Waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Jobkey faraceeda magaalada Beledweyne ayaa gebagebadii xafladaas waxaa la gudoosniiyey shahaadooyinkooda, waxaana wejiyadooda ka muuqatay farxad, maadaama ay muddo dheer ku taamayeen iney heerkan soo gaaraan, dedaal badana ku bixiyeen.

Faracyada Jaamacada Jobkey ku kala leedahay gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey xaflado loo sameynayo arday fara badan oo ka qelin jebisay ka dib markii ay soo dhameysteen muddo dhowr sano ah oo ay waxbarasho adag ay ku soo jireen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]