4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2017
Mugabe oo wali ku adkeysanaya in uu xilka sii heyn doono

 

Isniin, November, 20, 2017 (HOL) – Madaxwaynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa wacad ku maray in uu awoodda sii hayn doono dhowr todobaad ,iyada oo uu sii kordhayo cadaadiska lagu hayo ee ku aadan in xilka uu ka dago.

Khudbad uu si toos ah uga jeediyay TV-ga Qaranka ayuu Mr Mugabe ku sheegay in uu shir gudoomin doono kulanka golaha xisbiga ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.

Madaxwayne Robert Mugabe markii uu khudbadda jeedinayay waxaa barbar fadhiyay saraakiisha sar sare ee militariga dalkaasi iyo madax kale.

Khudbadda madaxwayne Mugabe oo ahayd mid si wayn loo sugayay ayaa waxa la filayay in uu iscasilo balse taasi ma dhicin.

Xubnaha xisbiga Zanu-PF ayaa mar sii horreysay ka cayriyay Mugabe xilka hogaamiyaha xisbiga.

Madaxwayne Mugabe ayaa waxa xisbiga Zanu-PF u qabteen in muddo 24 saac gudahood ah uu isku casilo haddii kale ay xil ka qaadis ku samayn doonaan.

Awoodda Mugabi ayaa wiiqantay tan iyo intii ay militariga soo faragaliyeen muranka ku saabsan cidii badali lahayd Mugabe.

Si kastaba ha ahaatee ,in uusan iscasilin ayaa laga yaabaa in ay ka yaabisay dad badan oo reer Zimbabwe ah.

BBC