4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2017
Madaxweyne Waare oo soo dhisaya golle Wasiirro oo aysan xildhibaanno ku jirin

 

Isniin, November, 20, 2017 (HOL) –Waxaa la soo gabagabeeyay kulamo wadatashi ah oo magaalada Jowhar uga socday madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo xidhibaannada maamulka, waxaana kulamadaa loo arrinsanayay magacaabista gollaha wasiiradda Hirshabeelle oo aan wali lagu dhawaaqin.

Waare ayaa qorsheynaya in uu soo dhiso golle wasiirro oo aysan xildhibaanno ku jirin, taasoo wax xoogaa khilaaf ka dhax abuurtay xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle.

Laakiin xildhibaan Maxamed Cadow oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u sheegay in la soo afjaray ismari-waagii labada dhinac laguna heshiiyay sida uu hadalka u dhigay in gollaha wasiirradda cusub la soo xulo dibada baarlamaanka.

‘’Awoodu wey kala qeybsan tahay Annaga waxeynu nahay gollihii sharci dajinta, waxaan nalaga-rabaa oo kaliya in aan la xisaabtanno gollaha fulinta oo ah Wasiirrada, sidaa daraadeed madaxweynuhu waxaa uu soo dhisayaa golle wasiirro oo aysan xildhibaanno ku jirin’ ayuu yiri Maxamed Cadow.

Laakiin xildhibaanku waxaa uu qiray in ay jiraan wali xildhibaanno sida uu hadalka u dhigay tiro yar oo ka soo horjeeda qorshaha madaxweynaha ee lagu soo dhisayo golle wasiirro ka baxsan baarlamaanka.

Golihii wasiiradda maamulkii kalsoonida lagala noqday ee Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa intooda badan ka yimid gollaha baarlamaanka Hirshabeelle, taa oo keentay in xildhibaannadu ku dooddaan in lagu soo darro gollaha cusub ee la soo dhisayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]