Isniin, November, 20, 2017 (HOL) – Wasaaradda
Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah kula qaadatay Muqdisho
odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ayaa
sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed yahay mid
muhiim u ah geedis socodka dib-u-eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka
Dastuurka Soomaaliyeed.
“Odayaasha dhaqanka waxa ay door
muhiim ah ka soo qaateen dhamaanba Geedi socodkii lagu soo dhisay dowladnimada
Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin
dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la
shaqeeysaan” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.
Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga Madaxbanaan Prof Maxamed Daahir Afrax, iyo
Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u
tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista
Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay
wadaan hay’addaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.
Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa tallooyin
soo jeediyay, sidoo kale waxaa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda
iyo Guddiyada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]