Isniin, November, 20,
2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladdda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo shalay ka
anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Iskutaga
Imaaraadka Carabta ayaa kala hadli doona mas’uuliyiinta Imaaraadka arrimo ay ka
mid yihiin xiriirka labada dal iyo in Imaaraadku ku ixtiraamo go’aanka ay
dowladda federaalka ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Carabta.
Waayadii ugu danbeeyay waxaa jiray kala aragti-duwanaasho
siyaasadeed oo kala dhaxgalay dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul
gobolleedyada dalka ka dhisan oo taageeray go’aanka xulufada Sacuudiga iyo
Imaaraadku ay ka qaateen Qatar, iyaga oo ka hor yimid mowqifkii dhexdhexaadnimo
ee dowladda federaalku ka qaadatay arrintan.
Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa la sheegay in ay gacan saar
hoose la leeyihiin maamul gobolleedyada qaatay mowqifka ka dhanka ah dowladda
federaalka, iyaga oo dhinaca kalana kulammo iyo shirar la yeeshay siyaasiyiin ka
soo horjeeda dowladda federaalka.
Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Iskutaga
Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in looga wadda hadlo arrimahaa oo idil iyo
kaalinta UAE ay ka qaadan karaan dagaalka ay dowladdu ku dhawaaqday ee ka
dhanka ah Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]