4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 20, 2017
Ciidamo ka tirsan dowladda oo xalay lagu weeraray magaalada Muqdisho

 

Isniin, November, 20, 2017 (HOL) – Rag hubeysan oo ku socday gaari yar oo kuwa raaxada ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa barkootarool xaafadda Xamar –Jadiid ee degmada Wardhiigley.

Weerar ay maleeshiyadan hubeysan ku qaaday ciidamada ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana halkaa ku dhaawacmay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Kooxda weerarka geystay oo la rumeysan yahay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayaa waxa ay ku baxsadeen gaarigii ay wateen, kaddib markii ay rasaaseeyeen ciidankii ku sugnaa Koontaroolka gaadiidka lagu baaro ee Suuqa Xamar Jadiid.

Muddooyinkan dambe waxaa aad u yaraa gaadiid ay saaran yihiin rag hubaysan in magaalada gudaheeda ay ku rasaaseeyaan ciidanka dowladda iyo masuuliyiinta intaba.

Wadooyinka magaalada Muqdisho intooda badan ayaa waxaa yaallo Baro-Kootarool oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda oo halkaa kala socda dhaqdhaqaaqa magaalada iyo gadiidka isaga kala goosha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]