Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo
ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ka soo
gudbeen xudduuda uu gobolka la wadaago Itoobiya.
Ciidamadan ayaa gaaraya illaa Kun Askari, waxaana dadka deegaanka ay
sheegayaan inay wataan hub culus.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka
dhanka ah Al-Shabaab ee la doonayo in looga saaro deegaanada ay maamulaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku
tagay magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya in
gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin
ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hasse ahaatee waxaa ay ku gaabsadeen in
ciidamo Itoobiya ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka
duulaan xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]