Trump oo ku baaqay in baaritaan xoog leh lagu sameeyo dadka Mareykanka soo galaya
Khamiis, November, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump,
ayaa faray wakaaladda ilaalada xuduudaha ee dalkaas in ay adkeeyaan
baadhitaanka dadka ajaanibka ah ee gala Maraykanka. Waxaanu amarkan soo saaray
ka dib weerarkii Manhattan ee sideedda qof lagu dilay kuwo kalena lagu
dhaawcay.
Boolisku waxay sheegeen in nin ka soo haajiray dalka Uzbekistan oo magaciisa
la yidhaa, Sayfullah Saipoy, uu dilay sideed qof 11 kalena dhaawacay kaddib
markii baabuur uu jiidhsiiyey baabuur uu waday.
Booliska Uzbekistan ayaa isaguna u ballan qaaday Maraykanka inuu ka caawin
doono baadhitaanka lagu hayo shilkaa dhacay, waxaana sidaa lagu sheegay
warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arimaha
dibadda Maraykanku.
Madaxweyne Trump wuxu yidhi “waa la adkaynayaa ilaalada xuduudaha suurto
galna noqon mayso in loo ogolaado xubnaha ururka la baxay dowladda Islaamka in
ay Maraykanka soo galaan markii lagu jabiyey Bariga Dhexe.”
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku eedeeyey xisbiga dimuqraadiga ah in uu ka
hor yimid isbedelka uu isagu damacsanaa. Waxa kale oo uu sheegay in uu isagu
doonayey in talaabo adag oo degdega laga qaado ninkaas waxaanu ku tilmaamay
habka garsoorka Maraykanka inuu yahay wax lagu qoslo.
Mar sii horraysay ayaa badhsaabka gobolka New York, Andrew Cuomo, waxa uu
dhaleeceeyey jawaabtii Trump ka bixiyey weerarkaas ee uu ku qoray boggiisa
Twitter, taas oo uu ku tilmaamay in ay madaxweynaha ku ridday dabinkii ay
argagixisadu u dhigeen.
Wuxuu sheegay in qoraalada madaxweynaha ee Twitter-ku ahaayeen kuwo
xaqiiqada ka fog oo aan wax tar lahayn.
Xigashada Warkan : BBC
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]