4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2017
DAAWO: War Murtiyeedka Shirka wasaaradaha dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada

Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa lagu soo gabagabeeyay shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday wasaaradaha dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo sidoo kale xiriirada kubadda cagta ee dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayay arimo la xiriira cayaaraha dalka, iyo tartan kubadda cagta ah oo la filayo in dhawaan ay marti geliso Jubaland, kaa oo shirka lagu go'aamiyay in uu furmi doono horaanta bisha soo socota ee December.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda Soomaaliya Marwo Khadiijo Max'ed Diiriye ayaa sheegtay in shirkooda ugu soo dhamaaday is afgarad.

Agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland Xuseen Macallim Cali ayaa warbaahinta u aqriyay war murtiyeedkii kasoo baxay shirka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.