4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2017
Minnesota Daahfurka Hay'ad u Dooda Xaquuqda Shaqaalaha Bariga Afrika oo loogu magac daray AWOOD CENTER.

Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Waxaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu daah furay xarun cusub oo caawinaysa shaqaalaha Bariga Afrika oo loogu magacdaray AWOOD CENTER, waxaana  figradeeda lahaa aasaasida xafiiskan hay’ada u dooda xaquuqda Muslimiinta ee CAIR MN iyo  ururka shaqaalaha ee SEIU.

Dadka Bariga Afrika waxay qayb wayn ka qateen kobcinta dhaqaalaha gobolka Minnesota ,lakiin waxaa jira  dhibaato aan laga gaban karin sida xaquuq la.aan ay la kulmaanshirkadaha ay u shaqeeyaan, mushahaar yari , shaqadii oo markii laga doono laga eryi karo iyagoo loogu sababeen karo cibaadadooda waxaa sidaa yiri Jaylaani Hussein madaxa hay’ada Cair Minnesota oo isagu khudbad uu ugu jeediyey kulankan daahfurka u ahaa AWOOD CENTER.

Sh Xasan Jaamici oo mida Culumadiinka wawaayn ee obolka Minnesota ayaa isaguna Hanbalyeeyay aasaasida xafiiskaan isagoo sheegay inay muhiimu tahay dadka shaqaalaha ah inay ku midoobaan ururka Awood Center oo xaquuqdooda u doodi doonta.

Waxaa goobta ka hadlay dad badan oo sharaxay faaiidada uu keeni karo xafiiskaan u hadli doona shaqaalaha kor lagu soo xusay halkaan ka daawosida uu dhacay kulankaan oo video ah


 

Siyad said salah

Hiiraan Online

Minneapolis,MN

[email protected]