4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo u anbabaxay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

 

Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

Ujeedada safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhaxdhaxaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, fudadaynta howlaha la xiriira socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Al-shabaab.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa booqashadiisii labaad ee uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Imaaraadka ayaa gacan saar dhaw la leh qaar ka mid ah maamul gobolleedyada ka dhisan dalka oo taageero u muujiyay mowqifka xulufada ay horkacayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga dalka Qatar, iyaga oo ka hor yimid go’aankii dowladda ee dhaxdhaxaadnimada khilaafka wadamada Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]