3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2017
Hogaamiyihii Kenyaanka ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsaday Ururka

 

Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Warbxin la hellay ayaa lagu sheegay in hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo jeeda daka Kenya uu doonayo inuu kooxda ka tago, isagoo baxsad ah, kaddib markii ay isku dhaceen hoggaanka Al-Shabaab.

Wargeyska Standard Media oo soo xiganaya War Sir ah oo la hellay ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo ah hoggaamiye sare ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhaceen hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab.

Axmed Imaan iyo Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu u socdo wada hadal la doonaayo in dib loogu celiyo dalka Kenya si uu u sii wado hawlgalada ka dhanka ah dowladda Kenya.

Hogaamiyahan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin dollar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya.

Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaaftay toogtay dhawr nin oo ka tirsan iyaga, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jaajuusiin u ahaayeen reer Galbeed iyo dowladda Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/19/2017 9:53 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa lagu soo gabagabeeyay shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday wasaaradaha dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo sidoo kale xiriirada kubadda cagta ee dalka.

11/19/2017 9:39 AM EST
Waxaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu daah furay xarun cusub oo caawinaysa shaqaalaha Bariga Afrika oo loogu magacdaray AWOOD CENTER, waxaana figradeeda lahaa aasaasida xafiiskan hay’ada u dooda xaquuqda Muslimiinta ee CAIR MN iyo ururka shaqaalaha ee SEIU.

11/19/2017 8:21 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Wasiirka Wasaarrada Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

11/19/2017 6:09 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta.

11/19/2017 2:52 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) - Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay islamarkaana carqalad ku tahay cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

11/19/2017 2:27 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa shalay si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay Qasriga madaxtooyada Garoowe.

11/19/2017 1:17 AM EST
Axad, November 19, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixiyey dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay xaafado ka tirsan Burco iyo Hargeysa oo dhimasho iyo dhaawacba keentay.

11/19/2017 1:11 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ugu baaqay Xisbiyada in ay ilaaliyaan xasiloonida, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kicin iyo iska horkeen bulsho.

11/19/2017 12:56 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Magaalada Jowhar waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka socday kulamo looga arinsanayo magacaabista xubnaha gollaha wasiirrada maamul Hirshabeelle oo aan wali lagu dhawaaqin.

11/19/2017 12:35 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Waxa lagu wadaa in magaalada Harare ee dalka Zimbabwe maanta ka dhacaan kulamo xasaasi ah oo looga arrinsanayo xasaanad ka qaadista madaxweynaha da’da ah dalkaasi mudadda dheer soo xukumayay Robert Mugabe.

11/19/2017 12:28 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dhici karaan weerarro dalkeeda uga yimaada dhinaca Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada dhaca Xuduuda labada dal ay wadaagaan.

11/19/2017 12:21 AM EST
Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Sisi ayaa sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dowladda ay Itoobiya ay leexsatoBiyaha Nile, oo labadal ay ku muransan yihiin.