Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay waxyeeladdii ka dhalatay rabshadihii Hargeysa iyo Burco ka dhacay
Axad, November 19,
2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixiyey dadkii waxyeeladu
ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay xaafado ka tirsan Burco iyo Hargeysa oo
dhimasho iyo dhaawacba keentay.
Wasiiradda madaxtooyada, duulista iyo
arrimaha dibada ayaa cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa ku soo booqday
dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ee
ay iskaga hor yimaadeen taageerayaal ka tirsan xisbiga WADANI iyo ciidanka
Amaanku.
“Rabshadihii ka dhacay xaafado ka tirsan
Hargeysa iyo Burco waxa ku geeriyooday sadex qof, waxana ku dhaawacmay 19
askari iyo sideed shacab ah, waxaana askarta lala dhacay dhagaxaan, halka
askari ka mid ah guri laga soo dhex toogtay oo lugta kaga dhacday xabaddii”ayuu
yiri wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu
cisbitaalka ku soo arkay wiil xabad lagu dhaawacay oo dhalinyaro isku khilaafta
siyaasadda uu mid ka mid ah xabad ku dhuftay kii wax toogtay markiiba la
qabtay.
“dadkan dhaawaca ee aanu soo booqanay waxa
isna ku jira hal qof oo saddex dhalinyaro ahi oo meel wada joogtay murmeen
siyaasada iyo xisbiyada ay kala taageersan yihiin, ka dibna mid ka mid ah xabad
ku dhuftay oo uu dhaawacyahay, kii ku dhuftay ee ninka dhaawacayna wuu xidhan
yahay”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Saddexdan marxuum ee geeriyootay waxaa ku
jirtay hooyo caanno-ley oo meel ka fog goobta uu qasku ka taagnaa joogtay oo
xabad habow ahi ku dhacday sidaasna ku geeriyootay.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.