4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2017
Kulamo looga arinsanayo magacaabista gollaha wasiirada Hirshabeelle oo socda

 

Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Magaalada Jowhar waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka socday kulamo looga arinsanayo magacaabista xubnaha gollaha wasiirrada maamul Hirshabeelle oo aan wali lagu dhawaaqin.

Madaxweyne Waare, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo wadatashiyada ugu ballaaran leh ayaa dhinaca kale waxaa barbar socda kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya xildhibaannada Hirshabeelle oo doonaya ay iska dhax arkaan gollaha cusub ee la soo dhisayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Waare dabacsan yahay in uu wax ka badal ku sameeyo habkii loo soo dhisay gollihii wasiirro ee madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosoble oo intooda badan ka yimid baarlamaanka.

Sidoo kale madaxweyne Waare ayaa damacsan in gollaha wasiirrada cusub noqdaan kuwo aad uga tiro yar kuwii ka horeeyay arrintaa oo la leeyahay waxaa caqabad ku noqon doona saami-qeybsiga beellaha oo qolo walba doonayaan in ay iska dhax arkaan gollaha cusub ee la soo dhisayo.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa intooda badan xusul duub adag ugu jira sidii ay uga mid noqon lahaayeen gollaha wasiirrada la filayo in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo.

Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn in xubnihii ku jiray gollihii wasiirrada maamulkii kan kar horeeyay oo wali sii shaqeynaya mid walba oo ka mid ah ku dadaalayo sidii uu u sii adkeysan lahaa xilka uu hadda hayo.

Waxaa Isha lagu wadda hayaa nooca gollaha wasiirrada cusub Hirshabeelle kaddib markii ay soo dhamaadaan kulamada wadatashiga ah ee hadda socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]