4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2017
Kenya oo ka cabsi qabta weerarro uga yimaada Ururka Al-shabaab

 

Axad, November, 19. 2017 (HOL) –Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dhici karaan weerarro dalkeeda uga yimaada dhinaca Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada dhaca Xuduuda labada dal ay wadaagaan.

Kenya ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weerarro ka dhaca magaalo xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale Magaalada Mandera oo xuduudda la leh Magaalada Beled-Xaawo ee Soomaaliya.

Magaalada Lamu ayaa la sheegaya in ay ka baxeen dadka aan Kenyaan aheyn sababo la xariira ammaankooda.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Magaalo xeebeedyada dalka Kenya.

Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan yihiin Weeraro ka yimaada Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Amniga Magaalada Mandera la adkeeyay tan iyo markii Al-Shabaab ay weerareen Magaalada Baledxaawo.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya weerarro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]