4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 19, 2017
Masar oo ka hadashay xiisada biyaha Wabiga Nile -ka ee kala dhaxeeysa Itoobiya

 

Axad, November, 19. 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Sisi ayaa sheegay in dowladiisa aysan aqbali doonin in dowladda ay Itoobiya ay leexsato Biyaha Nile, oo labadal ay ku muransan yihiin.

Madaxweynaha ayaa intaa ku darray in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo ku soo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah.

Biyaha Nile –ka ayuu sheegay in shacabka reer Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, islamarkaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Madaxweyne Al-Siisi ayaa dhawaan arrintan wadahadal kala yeeshay madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya  Haila Mariam Daselegne.

Waxaa uu sheegay in dowladda Masar ay fahansan tahay horumarka dowladda Itoobiya ,hadana marna aysan aqbali doonin in qeybta Biyaha ee Wabiga Nile ee dowladda Masar waxyeelo la gaarsiiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]