4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2017
Komishanka Doorashooyinka iyo Xisbiga WADANI oo qodobo ku heshiiyey

 

Sabti, November 18, 2017 (HOL)- Xisbiga WADDANI iyo guddida doorashooyinka ayaa kulankii sadaxaad ee illaa shalay iyo maanta iskugu yimaadeen ka soo saaray go’aammo ay isku raaceen oo ay ku heshiiyeen.

Gudoomiyaha gudida Doorashooyinka C/qaadir Iimaan ayaa sheegay in wada hadal dheer oo laba cisho socday iskula afgarteen laba qodob oo kala ah in tirintii degmadda Hargeysa iyo Gabiley sideedii loo sii waddo iyo in Buugii ay soo bandhigeen ka heshiiyeen oo uu noqday mid goob doorasho oo ku taalla Berbera laga xaday, sidaas uu ku soo galay xisbiga WADANI.

“waxaanu iclaaminaynaa in gudoomiyaha WADDANI iyo Anigu ka soo baxnay shir noo socday laba cisho, waxan dadweynaha ku wargalinayna inuu shirkaasi noogu dhamaaday jawi wanaagsan oo si fiican iskugu afgaranay qodobaddii cabashadda”ayuu yiri gudoomiyaha doorashooyinka Iimaan.

Mar uu ka hadlayey labadda qodob ee lagu heshiiyey waxa uu yidhi “Buugii degmadad Berbera ee codeynta waanu ka shaafinay waana isla qaadanay waana ka heshiiinay waana nala qaateen, waxa kale oo aanu ka heshiinay in tirintii gobolka Maroodi jeex iyo Gabiley ay sidoodii u socdaan.”

Musharaxa xisbiga WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa isna ka hadlay dhankiisa iyo waxay ku heshiiyeen, waxaanu sheegay in dalab kale oo qoraala ahna usoo gudbiyeen in goboladda kale ee aan hore ugu jirin markii hore cabashadda in iyagana dib loo eego.

“waxaanu isla garanay in la dhagaysto dalabyadii iyo codsiyadii xisbiga ee ku saabsan cabashada gud ahaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaan degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley iyo dalab goboladda kale ku saabsan oo aanu qoraal ahaan ugu soo gudbinay oo jawaab ka sugi doonno, waxaanu isla garanay in aanu soo celino muraaqibiintii noo joogtay komishanka Hargeysa iyo Gabiley.”

Mar uu gudoomiye CIrro ka hadlayey buugii ay hore usoo bandhigeen ee codeynta waxa uu yidhi “Buugaasi wuxuu ahaa mid soo galay gacanta xisbiga, waxaanay cadeeyeen in uu buugaasi ahaa kii codeynta ee iyagu lahaayeen.”

Si kastaba ha ahaatee, waxa dib loo bilaabay hubintii iyo tirintii codadka gobolka Maroodi jeex oo ay ka hadhsan yihiin sanaaduuq kooban, waxaana la filayaa in ilaa caawa la soo dhamaystiro, inkastoo codsiga cusub ee goboladda oodhan in dib loo eega ee ay soo gudbiyeen Xisbiga WADANI jawaabtiisa laga sugayo komishanka Doorashooyinka.

Sidoo kale, Buugaagii uu xisbiga WADANI soo bandhigay ee uu lahaa waa buug Foojari ah oo lagu codaynayey wuxuu noqday buug laga xaday goob codeyntu ka socotay ee degmada Berbera, taas oo markii horaba usii diwaangashanaa Komishanka,islamarkaana gudoomiyihii goobtii laga xaday Buugaasi uu hore usoo wargaliyey Komishanka in buug ka mid ah kuwii codeynta laga xaday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.