3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in ay sharci darro aheyd go’aankii xukuumadda ee Qalbi -Dhagax

 

Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Kaddib kulan maanta ay ku yeesheen xarunta gollaha shacabka xildhibaannada baarlamanka oo warbixin ka dhageystay guddigii loo saaray Kiiska dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii ay xukuumadda ka qaadatay arrintan.

Guddoomiyaha Guddiga baaritaanka Kiiska Xildhibaan Cali Xoosh ayaa warbixin dheer ka hor akhriyay Xildhibaanada, isagoo xusay in heshiisyadii ay cuskatay Xukuumadda ee dowladdii hore gashay aanu aheyn heshiis isku celin maxaabiis.

Xoosh waxaa uu sheegay in heshiisyadaas ahaa mid iskaashi oo lagu xalinayay xaalado amni oo ka jira xuduuda, gaar ahaan ay wada galeen dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Itoobiya.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in arrinta Kiiskan aan Madaxda dowladda laga siin macluumaad sax ah, taasoo u muuqata in Mas’uuliyadda dhiibistii Qalbi Dhagax in dusha laga saarayay Taliskii hore ee Nabadsugida.

Xildhibaanada ayaa warbixinta kaddib dood ka yeeshay, waxaana jiray Xildhibaano ka hadlay qaabkii lagu dhiibay Qalbi Dhagax in ay aheyd mid qalad, islamarkaana Madaxda warbixinta la siiyay ay aheyd mid qaldan.

Cod la galiyay doodda kaddib go’aanka xukuumada 152 Xildhibaan ayaa ogolaatay in uu sharci darro ahaa go'aankii xukuumadda, halka 6 ay diiday waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Akhriso Bayaanka guddiga :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]














Click here
11/18/2017 7:51 AM EST
Sabti, November 18, 2017 (HOL)- Xisbiga WADDANI iyo guddida doorashooyinka ayaa kulankii sadaxaad ee illaa shalay iyo maanta iskugu yimaadeen ka soo saaray go’aammo ay isku raaceen oo ay ku heshiiyeen.

11/18/2017 5:51 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) –Waxaa todobaadkan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka lagu soo gaba-gabeeyay bandhig-da Diyaaradaha ee (Dubai Airshow) ,waxaana bandhig-gan ka so qayb-galay inta badan shirkadaha sameeya duyuuradaha oo ay ku jiraan Boeng iyo bombardier oo laga kala leeyahay dalalka Maraykanka iyo Canada.

11/18/2017 4:31 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay xarunta gollaha shacabka kulan xasaasi ah oo leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo warbixin ka dhageysan doona guddigii loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan habkii loo dhiibay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi –Dhagax oo lagu eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in ay u gacan galisan dowladda Itoobiya.

11/18/2017 1:10 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Xaalada magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa degan kaddib rabshado dad ay ku dhinteen oo maalintii shalay ka dhacay xili uu halkaa dib ugu laabtay hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalkaas Raila Odinga.

11/18/2017 12:52 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Wadahadal ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga furmo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ka wada arrimiya deegaanno ka tirsan gobollada bartamaha Soomaaliya,

11/18/2017 12:44 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Fadhi maanta ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho xildhibaannada Gollaha Shacabka ayaa lagu waddaa in la horgeeyo baaritaan la xiriira Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ku xiran dalka Itoobiya.

11/18/2017 12:32 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha Xisbiga WADANI islamarkaana ah musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shacabka ku dhaqan Soomaaliland iyo taageerayaasha Xisbiga ugu baaqay in nabad-galyada laga shaqeeyo.

11/18/2017 12:25 AM EST
Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Wararka laga hellayo biyaha badda u dhaxeeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dooni siday in ka badan 100 ruux Muhaajiriin ah in la’la yahay , islamarkaana ay baadi goobaayaan Saraakiisha Ciidamada badda ee Talyaaniga.