4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2017
Bandhig-ga Diyaaradaha ee Dubai Air Show oo lagu kala Gatay diyaarado Qiimahoodu ku kacayo 114 Bilyan oo dollar [Sawirro+ Muuqal]


Sabti, November, 18, 2017 (HOL) –Waxaa todobaadkan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka lagu soo gaba-gabeeyay bandhig-da Diyaaradaha ee (Dubai Airshow) ,waxaana bandhig-gan ka so qayb-galay inta badan shirkadaha sameeya duyuuradaha oo ay ku jiraan Boeng iyo bombardier oo laga kala leeyahay dalalka Maraykanka iyo Canada.

Bandhig-gan waxaa lagu kala iibsaday diyaarado qiimahoodu uu  ku kacayo 114 bilyan oo dollar ,iyadoo sidoo kale ay goob joog ahaayeen xubno matalayay dowladaha caalamka iyo shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay.

Shirkad-da duyuuradaha ee Emarates ayaa 40 diyaradood oo noocoodu yahay Dream liner 787 ama Serial 10 ka iibsatay shirkad-da Airbus oo ay wada  leeyihin dowladaha Jarmalka iyo Faransiiska oo ku wada jira Midowga Yurub.

Shirkad-da Air-bus ayaa sidoo kale lacagtii ugu badnayd ka heshay shirkad kale oo dagan Arizona  Marykanka ,waxaana shirkadaasi ay goobta ka iibsatay 430 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan Airbus ALFA 320D1 oo loo adeegasado xamuulka.

Dowladaha Maraykanka iyo Ruushka ayaa sidoo kale goobta ku soo bandhigay diyaaradaha dagaalka ,waxaana goobta ka iibsaday dowladaha Hodanka ah ee ku yaala Khaliijka oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Kuwait.

Dalalka ku yaala Afrika ee carwada Diyaaradaha wax ka iibsaday waxaa kamid ahaa Masar iyo Itoobiya ,waxaana shirkadda duulimaad-yada ee Ethiopia Airlines ay goobta ka gadatay 4 diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah.

Masar ayaa iyana goobta ka iibsatay 24 diyaaradood oo nooca C series loo yaqaan-na ah , waxaana diyaaraddan oo si weyn hadda looga adeegsado caalamka farsamaysa  shirkad-da Bombardier ee laga leeyahay dalka Canada.

Dhinaca kale dowlad-da Turkiga oo saldhig ciidan ku leh Somalia ayaa goobta ka iibsatay 53 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan Super Mashak. Diyaaradahan oo samayso Pakistan ayaa loogu tala-galay in lagu tababaro ciidamada cirka ee dowladaha so koraya.

Somalia ayaa duyuuradaha caynkan oo kale ah uga faa'idaysan karta dib u yagleeli-da ciidamadii cirka ,iyada oo Somalia tan iyo wixii bur-burkii ka danbeeyay aysan helin ciidamo cir oo qalabysan.

Ugu danbayn, lama oga in dowlad-da Turkiga ay diyaaradahan keeni doonto saldhiga-ga ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo xiligan la joogo lagu tababaro cidamada milatariga Somalia ,waxaana bandhig-gan la soo gaba-gabeeyay maalinimadii Khamiista ee la soo dhaafay

Faysal M. Hassan
[email protected]