4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2017
Kulan xasaasi ah oo goor dhaw u furmay xildhibaannada baarlamaanka

 

Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay xarunta gollaha shacabka kulan xasaasi ah oo leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo warbixin ka dhageysan doona guddigii loo saaray in ay baaritaan ku sameeyaan habkii loo dhiibay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi –Dhagax oo lagu eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in ay u gacan galisan dowladda Itoobiya.

Xarunta waxaa ku sugan inta badan xildhibaannada gollaha shacabka, kuwaa oo siweyn u daneynaya in ay wax badan ka ogaadaan warbixinta guddiga uu soo bandhigayo.

Wasiirada ku jira Xildhibaanada ayaa sidoo kale maanta intooda badan Goob joog ka ah kulanka waxaana la sheegay in laga reebay Shaqaalihii la socday Wasiirada oo markii hore kulanka la gali jiray.

Guddiga ayaa la filayaa in ay gollaha ka hor Akhriyaan Warbixintii ay soo Ururiyeen ee la xiriirta habka loo maray dhiibista Qalbi-Dhagax iyo cidda ka danbeysay.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]