Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Wadahadal ayaa lagu wadaa in magaalada
Nairobi ee dalka Kenya uga furmo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamullada Galmudug
iyo Ahlu Sunna Waljameeca oo ka wada arrimiya deegaanno ka tirsan gobollada
bartamaha Soomaaliya,
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha maamulka
gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa
maalin ka hor gaaray magaalada Nairobi.
Wadahadalladan ayaa noqonaya kuwo bilow ah , iyadoo wajiga labaad ee wadahadalka
uu dhamaadka bishan ka dhici doono magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa horaantii sanadkan ku guuldareystay inay heshiis
kala dhex dhigto labada dhinac, waxaana wada hadalo ka dhacay Muqdisho uu ku
soo dhamaaday is faham waa.
Wadahadalka ay Garwadeenka ka tahay Urur Galbeedka IGAD si loo dhameeyo
khilaafka muddada dheer soo jiray ee labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]