4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 18, 2017
Tahriibayaal lagu la’yahay biyaha badda u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga

 

Sabti, November, 18, 2017 (HOL) – Wararka laga hellayo biyaha badda u dhaxeeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dooni siday in ka badan 100 ruux Muhaajiriin ah in la’la yahay , islamarkaana ay baadi goobaayaan Saraakiisha Ciidamada badda ee Talyaaniga.

Sarkaal u hadlay Ciidamada badda dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in dadkaasi lagu la’yahay badda.

Wararka qaar ayaa sheegaya Muhaajiriinta badankood ay ka soo jeedaan Qaarada Africa.

Doonidaan ayaa la sheegay in ay ka baxday xeebaha dalka Liibiya ,islamarkaana ay kusii jeeday dalka Talyaaniga.

Ciidamada Talyaaniga ayaa shalay helay Meydadka ku dhawaad 30 qof oo haween ah , kuwaa soo kasoo jeedda dalka Nigeria.

Badda Liibiya ayaa noqotay marinka ugu weyn ee Muhaajiriinta u socota Yurub, kaddib markii ay Turkiga iyo Midowga Yurub ku heshiiyeen joojinta tahriibayaasha mara badda Aegean.

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa soo badbaadiyay isbuucii lasoo dhaafay in ka badan Kumannaan qof oo tahriibayaal ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]