4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Madaxii Maafiyada Talyaaniga oo Xabsi ku dhax Geeriyooday

 

Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore ‘Toto' Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla magaalada Parma, kadib markii uu muddo la dagaalamayey cudurka cancer-ka. Waxaa uu ahaa 87 jir.

Riina ayaa dhintay subaxnimadii jimcaha saacado kadib markii wasiirka caddaaladda talyaaiga uu qoyskiisa u ogolaaday inay sariirta ku booqdaan maalintii khamiista oo ahayd dhalashadiisa.

Ninkan oo loogu yeeri jooray “Madaxa madaxda” ayaa ahaa mid ka mid ah aabayaasha Maafiyada Sicily ee sida aadka ah looga cabsado, wuxuuna qaadanayey xabsi daa’in.

Riina ayaa hagayey ficillada maafiyada muddo 23 sano oo uu isqarinayey, waxaana la tuhunsann yahay inuu amray dilka 150 qof.

Dilkii ugu caansanaa ee uu amro ayaa ahaa dilka sanadiii 1992-kii lagu kacay laba xaakim oo kasoo horjeeday Maafiyada oo kala ah Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, kuwaas oo maxkamadeeyey 300 oo xubno maafiyo ah sanadii 1987-kii.

Xigasho VOA