4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Diyaaradda Kuwait Airline oo diiday in ay qaado Muwaadin u dhashay Israa’iil

 

Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go’aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait Airline ay xaq u lahayd in ay diido in aysan qaadin muwaadin Israa’iil u dhashay.

Go’aankaas ayaa ka caraysiiyay Ururrada Yuhuudda iyo kuwo kale oo ku ku baaqay in la cambaareeyo Yuhuud nacaybka.

Shirkadda Kuwait Airways ayaa diiday in ay qaado macmiil ka goostay tigid oo ka bixi lahaa Frankfurt isaga oo u socday Bangkok.

Maxkamad ku taalla Frankfurt ayaa sheegtay in shirkadda diyaaraddu ay ixtiraamaysay shuruucda dalka Kuwayd oo aan aqoonsanayn dalka Israa’iil.

Maxkamaddu waxay sheegtay in aysan awoodin in ay meesha ka saarto sharciga dalka Kuwayd, Sharciga dalka Jermalkuna uu qeexayo faquuqa ku salaysan, midabka, qawmiyadda ama diinta balse aysan ku jirin muwaaddinnimada.

Nathan Gelbart oo ah qareenkii u doodayay rakaabka ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay “mid laga xumaado marka si guud loo fiiriyo dimuqraadiyadda iyo ka Jermal ahaanba.

“Go’aankaasi ma sii taagnaankaro, rakaabkuna racfaan ayuu ka qaadan doonaa xukunka ayuu yiri.

Guddiga Dhexe ee Yuhuudda Jermalka ayaa sheegay “in ay tahay wax aan la aqbali karin in shirkad ajnabi ah loo ogolaado in ay Jermalka ka dhex shaqayso iyadoo ku dhaqmaysay arrin caalamka looga arko in ay Yuhuudda liddu ku tahay.

“Waxaan ugu baaqaynaa faderaalka in uu dib u eego shuruucda si faquuqan oo kale uusan mustaqbalka u dhicin” ayay dhaheen.

Uwe Becker oo ah duqa magaalda Frankfurt ayaa isna cambaareeyay go’aankaas.

Xigasho BBC