4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Madaharaadyo rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalooyinka Somaliland qaarkood

 

Jimco,  November 17,  2017 (HOL)- Magaalooyinka Burco, Ceerigaabo iyo Hargeysa ayaa xalay waxa ka dhacay mudaharaado  lagu taageerayo xisbiga WADANI,islamarkaana lagu eedeyanyo Komishanka Doorashooyinka.

Xaafado ka tirsan galbeedka Burco, Ceerigaabo iyo bariga Hargeysa ayaa Taayiro ku gubay wadoodinkaa, haseyeeshee Ciidanka Amniga ayaa markiiba dadkii kala dareeriyey, waxaanay la maqlayey rasaas ay ciidanku kor u ridayeen oo ay dadka ku kala dareerinayeen.

Dadkan gadoodsan ayaa waxyeelo u gaystay dhismayaal iyo dad shacab ah, kuwaas oo dhagaxaan la dhacay, iyadoo la sheegayo in ilaa dhowr qof ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

Dhinaca kale, taliyeyaasha ciidanka Amniga oo xalay sida wada jir ah u hadlay ayaa sheegay in aanay cidna uga gabanayn in nabadgalyadda la waxyeelo,islamarkaana aanay qofna ka sarayn sharciga, waxaanay shacabka ku adkeeyey in la adkeeyo nabadgalyadda, sidaas darteedna aan cidna laga yeeleen in ay nabadgalyadda waxyeesho.

“Wadanka doorasha ka dhacday, inkastoo natiijadii la soo saarin si nabadgalyo aha ayeey u dhacday, waxaanu dadweynaha u sheegay markii doorashadu bilaabmaysay in nabadgayada gudaha iyo dibada balan baanu ka qaadnay inaanu ilaalino”ayuu yidhi taliyaha guud ee Ciidanka Militariga Nuux Taanni.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen:C/laahi Fadal ayaa sheegay in xaafado kooban oo dhawr magaalo ah oo rabshado ka dhaceen markiiba la joojiyey, waxaanu yidhi “Buuq baa ka bilaabmay dhawr goobood, Burco, Hargeysa, iyo Ceerigaabo, marka qof walba sharciga ka sareeya cidna laga ogolaan maayo in nabadgalyadda la waxyeelo, qofna uga dul qaadan mayno anmniga wadanka, marka yaan shacabka iyo Ciidanka la iska hor keenin”

Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkaasi lagu taageerayo xisbiga WADANI dhawaaqi ka soo yeeray ee ay ka cabanayeen Komishanka Doorashooyinka waxa kala dareeriyey ciidanka Amniga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.