4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 17, 2017
Ciidamada Puntland oo dhaqdhaqaaqyo militari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Bari

 

Jimco, November. 17, 2017 (HOL) – Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa dhaq dhaqaaq militari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo ay ka dagaalamaan kooxo isugu jira Al-shabaab iyo Daacish.

Buuraha ku teedsan Bariga iyo galbeedka Boosaaso ayaa waxaa saldhigyo ku kala leh Al-Shabaab iyo Daacish, waxaa ayna xilliyada qaarkood ka soo qaadaan weerarro ka dhan ah ciidamada Puntland.

Ciidamada Daraawiishta ayaa maalmo ka hor ku dhaqaaqay saldhigyada Daacish iyo Al-shabaab waxaana la sheegay in ay ku siqayaan fariisimaha ay halkaa ku leeyihiin labada Urur.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland oo shalay ka qabsoomay magaalada Garoowe, ayaa lagu booriyay hawlgalada ay ciidamada Daraawiishta ka wadaan Buuraha Gobolka Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shir guddoominayay shirkaasi, ayaa ku baaqay in ciidamada Daraawiishtu ballaariyaan gulufkooda ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]