3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Gollaha wasiirada oo lagu soo bandhigay magacyada xubno ka tirsan Al-shabaab oo gacanta dowladda ku jira

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Isloow (Ducaale) ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay hay’adaha amniga wadaan howlgalo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen,

1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada,
3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka
4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka
5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka
6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka
7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada
8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka
9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka

Sidoo kale waxaa la soo qabtay gacan ku dhiigle Cabdiweli Cabdi Daauud oo ka tirsanaa Booliiska Laanta Canshuuraha oo horey u baxsaday ka dib dil uu u geystey marxuum Guled Abdulkadir Muse.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystey Faduma Osman Farah, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan horumarka maamulka iyo maareynta maaliyada. Faduma ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu diyaariyey nidaamkii loo baahnaa oo ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Bankiga Aduunka iyo Hay’ada Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha ayaa golaha wasiiradda siiyey warbixin mashaariicda dhowaan la bilaabi doono, oo ay ka mid yihiin waddooyinka dalka qaarkood iyo hay’adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqey muhiimada dib u dhiska dalka si shaqo loogu abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Diinta & Awqaafta ayaa ka warbixiyey shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo la filayo in la qabto bisha December ahna shir wadatashi ah bacdamaa culumadu ay yihiin hormuudka bulshada. Wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sida ugu habboon ee loo qaban karo shirweynaha oo ay tallooyin ku biiriyeen.

Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta ayaa golaha uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Nidaaminaya Naqshadeynta magaalooyinka, Horumarinta dhismaha iyo maamulka Dhulka. Dood dheer ka dib, waxaa lagu ballamay in usbuucyada danbe la ansixiyo.

Wasiirka Dastuurka ayaa ka warbixiyey shir ay wada shir guddoominayeen isaga iyo wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay ka soo qeybgaleen dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka oo looga hadlayey dardargelinta dib u eegista dastuurka, xasilinta dalka, iyo dardargelinta doorashooyinka halka cod iyo halka qof ee 2020ka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/16/2017 9:35 AM EST
Khamiis, November 16, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen gudida doorashooyinka Qaranka.

11/16/2017 7:59 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Baraha bulshada ay ku wadda xiriirto ayaa saacadihii hore ee maanta lagu baahiyay in wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaalle Beylle isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta.

11/16/2017 5:05 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

11/16/2017 4:54 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Shirkada diyaaradaha ee xarunteedu tahay Dubia ee flydubia (www.flydubai.com) ayaa maanta shaacisay inay dalbatay 225 diyaaradood oo nooca loo yaqaan Boeing 737 MAX oo ku kacaya adduun dhan yahay $27 bilyan si ay u kobociso tirada diyaaradaheeda.

11/16/2017 2:08 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto shirkii todobaadlaha ee gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, horay gollaha wasiirada ayaa shirkoodii ugu horeeyay meel ka baxsan caasimada Muqdisho ugu yeeshay Kismaayo.

11/16/2017 12:56 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay maamulkiisu u diyaargaroobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

11/16/2017 12:28 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay u soo guuraan magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka

11/16/2017 12:25 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa lagu warmayaa in xalay qof shacab ah ku dileen Maqaaxi ku taalla degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, sida ay warbaahinta u sheegeen Goob joogayaal.

11/16/2017 12:13 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ururka midowga Africa ayaa waxa ay sheegeen in la wareegida ay militariga la waregeen awoodda Zimbabwe ay tahay afgambi.