3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Xukuumadda oo beenisay in wasiirka maaliyada isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Baraha bulshada ay ku wadda xiriirto ayaa saacadihii hore ee maanta lagu baahiyay in wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaalle Beylle isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta.

Laakiin waxaa arrintan beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo mar arintan su’aal laga weydiiyay sheegay in ay tahay arrin been abuur ah oo aan waxba ka jirin, isaga oo intaa raaciyay in Wasiiru shaqdo uga baxay shirka.

‘’ “Runtii warkaasi waa waxba kama jiraan, sidee wasiir uga baxayaa Shirka, Wasiirku Shaqso ayuu u socday Shaqo ayuu aaday, marka sidee loogu tuhmi karaa in uu shirka carro uga baxay’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta warbaahinta ku booriyay in ay iska hubiyaan wararka.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa imanaya kaddib markii saacadihii hore ee maanta warbaahinta qaar sheegeen in Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya isaga baxay shirkii gollaha wasiirrada ee maanta qabsoomay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/16/2017 9:35 AM EST
Khamiis, November 16, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen gudida doorashooyinka Qaranka.

11/16/2017 9:14 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

11/16/2017 5:05 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

11/16/2017 4:54 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Shirkada diyaaradaha ee xarunteedu tahay Dubia ee flydubia (www.flydubai.com) ayaa maanta shaacisay inay dalbatay 225 diyaaradood oo nooca loo yaqaan Boeing 737 MAX oo ku kacaya adduun dhan yahay $27 bilyan si ay u kobociso tirada diyaaradaheeda.

11/16/2017 2:08 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto shirkii todobaadlaha ee gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, horay gollaha wasiirada ayaa shirkoodii ugu horeeyay meel ka baxsan caasimada Muqdisho ugu yeeshay Kismaayo.

11/16/2017 12:56 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay maamulkiisu u diyaargaroobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

11/16/2017 12:28 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay u soo guuraan magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka

11/16/2017 12:25 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa lagu warmayaa in xalay qof shacab ah ku dileen Maqaaxi ku taalla degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, sida ay warbaahinta u sheegeen Goob joogayaal.

11/16/2017 12:13 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ururka midowga Africa ayaa waxa ay sheegeen in la wareegida ay militariga la waregeen awoodda Zimbabwe ay tahay afgambi.