4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Wasiir Yariisoow : Waxaa jira qaswadayaal diidan dowladnimda

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiir Yariisow ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya, kuwaas oo mar waliba heegan u ah in ay damiyaan sida uu hadalka u dhigay rajada iyo iftiinka  shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in dalku horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa uu xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, islamarkaana dib u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Wasiirka ayaa hadalka ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay iney ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]