4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Flydubai oo dalbatay 225 diyaaradood oo Boeing 737 MAX oo ku kacaya adduun dhan $27 bilyan

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Shirkada diyaaradaha ee xarunteedu tahay Dubia ee flydubia (www.flydubai.com) ayaa maanta shaacisay inay dalbatay 225 diyaaradood oo nooca loo yaqaan Boeing 737 MAX oo ku kacaya adduun dhan yahay $27 bilyan si ay u kobociso tirada diyaaradaheeda.

Waa diyaaradihii sadexaad ee nooca loo yaqaan Boeing ah ee ay dalbato sideedaa sanadood ee ay shirkadu jirtay taas oo ay ka horeeyeen diyaaradihii ay dalbatay 2008 iyo 2013.

Diyaaradaha cusubi waxay shirkada ka taageeri doonaan inay buuxiso baahida jihooyinka cusub ee ay isku balaadhinayso ee ku yaal aaga ay ka shaqayso oo ay ku nool yihiin 2.5 bilyan oo ruux.

Dhamaadka sanadka shirkada duulimaadyadu waxay yeelan doontaa 61 diyaaradood oo Noocii ugu danbeeyay ah iskuguna jira 737 – 800 iyo Boeing 737 Max oo 8 diyaaradood ah. Sidoo kale, waxaa iyaguna jira 70 diyaaradood oo kale oo u maqan oo sanadka 2023 lagusoo wareejin doono.

Sheekh Axmed bin Siciid Al Makhtuum, Gudoomiyaha flydubia, oo ka hadlayay dalabka diyaaradahan ayaa waxa uu yiri, “Dalabka diyaaradahan ee maantu waxa uu muujinayaa koboca himiladii flydubai ee in ay kaalmaso isku xidhka ganacsiga iyo dalxiiska ee jihooyinka ay ka shaqayso sidoo kale inay qayb laxaad leh ka qaadato isku xidhka xarunta duulimaadyada Dubia. Mudo kayar toban sano, flydubai waxay jihooyinka ay u duusho gaadhsiisay 97 jiho oo ku yaal 44 dal waxaanan iminkana sugaynaa diyaaradahan cusub in ay nasoo gaadho 2019 si ay nooga caawiyaan himiladaayada.” 

Marka lagu daro dalabka ay maanta shaacisa, tirada diyaaradaha u maqan waxay tiradoodu noqonayaan 320.

Ghaith Al Ghaith, Maareeyaha Guud ee flydubia waxa uu isna intaas sii raaciyay, “Maantana waa waji kale oo muujinaya guusha flydubia. Ilaa markii la aas aasay 2009, flydubia waxay furtay 67 jiho oo marka hore aan si fiican u heli jirin duulimaadyo oo ku yaala deegaankan. Waxaanu soo dhawaynaynaa wada shaqaynta mudada dheer ee naga dhaxeeya Boeing. Waxaanu u dalbanay nooca diyaaradahan maadaama oo ay noo fududeeyeen noona suuro gal

Xogtan: Xigasho FlyDuba