4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Gollaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta ku shiraya magaalada Baydhabo

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto shirkii todobaadlaha ee gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, horay gollaha wasiirada ayaa shirkoodii ugu horeeyay meel ka baxsan caasimada Muqdisho ugu yeeshay Kismaayo.

Shirka ayaa la filayaa in looga wadahadalo Ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha horyaalla xukuumadda, la dagaallanka Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad-galyada.

Magaalada Baydhaba waxaa ka soconaya qaban qaabada shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.

Shirkan ayaa wajigiisii hore ka dhacay 13-kii July ee Sanadkan 2017-ka Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in sidoo kale lagu qabto xarumaha kale ee dowlad gobolleedyada dalka sida Garoowe, Cadaado iyo Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]