3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 16, 2017
Kheyre oo maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay u soo guuraan xaruntoodda magaalada Baraawe

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre  ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay u soo guuraan magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka

Khayre oo shalay booqasho ku tagay Baraawe ayaa sheegay ujeedada uu halkaa u tagay aheyd sidii loo dhiirgalein lahaa bulshada halkaa ku dhaqan iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa ilaha muhiimka ah ee degmadaasi.

Wuxuu sheegay Khayre in ay garab istaagayaan shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan reer Baraawe, wuxuuna tilmaamay in ay garab ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in uu arkay sida bulshada ku dhaqan Baraawe uga go’an tahay is bar bar taaga dowladnimada isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dadka reer Baraawe in ay hellaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/16/2017 9:35 AM EST
Khamiis, November 16, 2017 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen gudida doorashooyinka Qaranka.

11/16/2017 9:14 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Shirweynaha Culumada iyo mashaariic la fulinayo.

11/16/2017 7:59 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Baraha bulshada ay ku wadda xiriirto ayaa saacadihii hore ee maanta lagu baahiyay in wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaalle Beylle isaga baxay shirkii gollaha wasiirada ee maanta.

11/16/2017 5:05 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday iney dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

11/16/2017 4:54 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) - Shirkada diyaaradaha ee xarunteedu tahay Dubia ee flydubia (www.flydubai.com) ayaa maanta shaacisay inay dalbatay 225 diyaaradood oo nooca loo yaqaan Boeing 737 MAX oo ku kacaya adduun dhan yahay $27 bilyan si ay u kobociso tirada diyaaradaheeda.

11/16/2017 2:08 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto shirkii todobaadlaha ee gollaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, horay gollaha wasiirada ayaa shirkoodii ugu horeeyay meel ka baxsan caasimada Muqdisho ugu yeeshay Kismaayo.

11/16/2017 12:56 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in ay maamulkiisu u diyaargaroobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

11/16/2017 12:25 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa lagu warmayaa in xalay qof shacab ah ku dileen Maqaaxi ku taalla degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, sida ay warbaahinta u sheegeen Goob joogayaal.

11/16/2017 12:13 AM EST
Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ururka midowga Africa ayaa waxa ay sheegeen in la wareegida ay militariga la waregeen awoodda Zimbabwe ay tahay afgambi.