4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2017
Kheyre oo ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in ay u soo guuraan xaruntoodda Baraawe

 

Khamiis, November, 16, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in maamulku u soo guuro magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Khayre oo shalay booqasho ku tagay Baraawe ayaa sheegay ujeedka uu u tagay Baraawe in uu ahaa sidii loo dhiirgalein lahaa bulshada halkaa ku dhaqan iyo sidii loo dhagax dhigi lahaa ilaha muhiimka ah ee degmadaasi.

Wuxuu sheegay Khayre in ay garab istaagayaan shacabka Koonfur Galbeed gaar ahaan reer Baraawe, wuxuuna tilmaamay in ay garab ka siinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in uu arkay sida bulshada ku dhaqan Baraawe uga go’an tahay is bar bar taaga dowladnimada isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dadka reer Baraawe in ay hellaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]