4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2017
Jaaliyadda reer Hiiraan ee Denmark oo isugu yimid kulan looga arinsanyay Isbitaal Dhimirka Qaabilsan oo Baladweyne laga Furayo


Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Somalida ku nool dalka Denmark ayaa ka qayb-galay kulan balaaran oo looga arinsanayay sidii Cisbitaal dhinaca dhimirka qaabilsan looga furi lahaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiraan.

Kulankan oo ka dhacay magaala madaxda labaad ee dalka Danmark ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay urur dhalinyaro oo lagu magacaabo Somali youth For Change ,waxaana ka soo qayb-galay inta badan dad ka socday jaaliyad-da Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Drs Faadumo Shiekh Cali jimcaale oo ku takhasastay cudurada ku dhaca dhimirka , isla markaana horumuud  u ah mashruucan ayaa ka sheeekaysay kaalinta uu isbitaalkan ka qaadan karo caawinta bulshada.

Waxa ay bulshada reer Hiiraan ee ku nool qurbaha ugu baaqday in ay ka qayb-galaan dhismaha cisbitalkan oo la sheegay in baahi weyn loo qabo xiligan la joogo ,iyada oo tirada dadka qaba xanuunada dhimirka ee ku nool Somalia ay sanad walba sii kordhayso.

Dhakhtarad-da ayaa sheegtay in bulshada hadii aysan gacantooda ku dhisan isbitaalka aysan jirin cid kale oo caawinaysa ,waxaana ay sheegtay in gobolka Hiiraan uu baahi weyn u qabo isbitaal la tacaala dadka qaba xanuunada dhimirka.

Ugu danbayn , dadkii ka soo qayb-galay munaasabad-dan ayaa taageero u muujiyay qorshahan caafimaad ,waxaana la filayaa in marka laga dhiso cisbitaalkan Magaalada Baladweye uu caawin doonaan bulshada intooda qabta xanuunada dhimirka.  

Faysal M. Hassan
[email protected]