4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2017
Gollaha Amaanka oo muddo Sanad ah ku kordhiyay waqtiga qaadista cunaqabteynta hubka ee Soomaaliya

 

Arbaco, 15, 2017 (HOL) – Gollaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in mudo Hal Sano ah lagu kordhiyay qaadista cuna qabeynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Ilaa iyo 11 ka mid ah xubnaha  Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in ilaa 15ka November 2018 in cunaqabateynta Hubka ay sii saarnaato Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in xilligan ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin kala duwan sida dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay hanaanka qafiifinta cunaqabateynta saaran Soomaaliya dib loo eegi doono.

Waxaana isla kulankaas lagu mamnuucay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya iyo in Hubka sharci darrada ah la mariyo biyaha Soomaaliya.

15-ka December 2018 la gaarsiiyay heshiiska kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey,waxaana looga codsaday in ay sii wadaan shaqadooda baaritaannada u badan.

Kooxda ayaa dhawaan warbixin ay saareen ku sheegeen in Dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya ay lacag badan ka sameeyaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]