4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2017
Cabashadda xisbiga WADANI iyo Jawaabta Komishanka Doorashooyinka Somaliland

 

Arbaco, November 15, 2017 (HOL)- xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay in meelo badan sharcigii u yaalay doorashada la jabiyey oo qaarkood Muraaqibiintii xisbiga u joogay laga saaray, halka qaar kalena aanay joogin markii la xisaabinayey.

Xisbiga WADANI ayaa sheegay inay Komishanka doorashooyinka u gudbiyeen goobaha ay ka cabanayaan oo qaarkood masuuliyiintoodda lagu xidhay, taas oo ay tuhmayaan inay khaladaad laga sameeyey goobahaasi.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen inay kulan la yeesheen safiiradda reer Yurub oo goobjoogayaal ka noqday siday doorashaddu u dhacaysay, waxaanay xuseen inay u gudbiyeen cabashadoooda, haseyeeshee safiiradaasi kula taliyeen in si deg oo aan dhibaato abuurin u gudbiyeen Komishanka doorashooyinka.

“Waxyaalo aan xeerkii raacsanayn ama nidaamka ku haboonayn ayaa goobaha qaarkood ka dhacay, meelo markii la tirinayey aanay wakiiladayadii joogin ayaa jiray, wax yaalo badan baa jira oo khaladaad ah oo muraaqibiintayadii laga hor joogsaday, waxyaalahaasi aanu ka cabanayno waxaanu gudbinaynaa Komishanka doorashooyinka, goobaha aanu ka cabanayna waxa ka mid ah Gabiley”ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde guddoomiyaha Ku-meel-gaar ah ee Xisbiga WADANI.

Sidoo kale, waxa uu ka digay dadka baraha bulshadda ku faafinaya xisbi hebel baa badiyey iyo xisbi hebel baa cod batay, waxaanu ku adkeeyey in aan natiijo aan la hubin lagu baahiyey baraha bulshadda oo khatar galin karta dadweynaha.

Sidoo kale, gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan ayaa sheegay in markii cabasho afka ah oo aan qoraal ahayn u sheegeen hogaanka xisbiga WADANI ay goobtii ay ka cabanayeen oo ahayd gobolka Gabiley booqdeen,isla markaana markii ay darseen aanay arag wax sharciga u dajisan doorashooyinka ka hor imanaya ama la jabiyey oo ka dhacay, waxaanu sheegay in mar walba la eegayo xeerarka iyo anshaxa u yaalla doorashooyinka

“Hogaanka xisbiga WADANI ayaa cabasho  afka ah oo aan ahayn qoraal noogu sheegay in goobo ku yaalla gobolka Gabiley cabasho ka jirto, waxaanu aniga iyo Afhayeenka guddida doorashooyinka tagnay goobihii laga cabanayey, waxaana eegna in xeerkii iyo anshaxii doorashooyinka ee yaalay lagu xadgudbay, meeshaasi kuma arag wax xeerka iyo anshaxa dhaafsiisan ama jabiyey oo ka dhacay, meel kasta oo cabasho ka timaadana anaga toos loogahayaga ugu tagaynay oo soo baadhaynaya waxa jira”ayuu yidhi guddoomiyaha guddida doorashooyinka Iimaan oo ka hadlayey cabashadda xisbiga WADANi u soo gudbiyey  

Sidoo kale, waxa uu sheegay in aan la rumaysan Karin muraaqibiina codadka usoo gudbiyeen xisbiyadooda, maadaama oo sanduuq kasta dib loo hubinayo oo ay dhici karto in xisaabta ay haystaan is bedeli karto, waxaanu xisbiyada uga digay in aanay bulshadda jahawareer ku ridin oo natiijo aan sax ahayn u gudbinin bulshadda. Waxa kale oo uu sheegay in xarunta Komishanka ay la joogaan xisbi walba illaa toban qof oo la hubinaya tirinta sanaaduuqda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.