Arbaco, 15, 2017 (HOL) - Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee
dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab
xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka
dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen
dad goobjoogayaal ah.
Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka
ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib
markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC. Dadweynaha ayaa
sheegay in warki xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley
madadaalo heeso u badan.
Talaadadi ayey dowlada Zibabwi qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha
ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin
ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee
ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu
wadaan afganbi.
Hassa ahaatee, sida aanu ka soo xiganay laanta Zimbabwi ee VOA-da, taliye
ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer
Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro
dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo
kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.
VOA