4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 15, 2017
Isbadal lagu sameynayo habka sugida Amniga caasimada Muqdisho

 

Arbaco, 15, 2017 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel balaaran lagu sameynayo qorshaha Amaanka guud ee magaalada Muqdisho, kaddib markii maalmahan ay kordheen weerarada iyo Qaraxyada ururka Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka  ayaa sheegay in guddi Wasiiro ah loo saaray ay in ay talo ka soo jeediyaan sidii loo dar dar gelin lahaa sugidda amniga.

Wuxuu sheegay Wasiirka qorshaha amniga lagu sugayo in ay ka mid yihiin in degaan degaan amniga magaalada loo sugo, in la hubiyo gaadiidka loona sameeyo Taargooyin gaar ah.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda abaaul iyo diyaar garow ku aadan sidii dagaal guud loogu qaadi lahaa ururka Al-shabaab, kadib markii Madaxda Qaranka ay amreen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]