Dowladda oo shaacisay sawirrada iyo magacyada shaqsiyaad loo qabtay Qaraxii Zoobe
Arbaco, 15, 2017 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa bil kaddib soo bandhigtay
baaritaan horu dhac ah oo ku saabsan shaqsiyaadka loo qabtay Qaraxii ka dhacay
14-kii bishii October Isgoyska Zoobe.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow
ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay magacyada shan ruux iyo sawiradooda,
kuwaasoo loo heysto inay ku lug lahaayeen qaraxii Isgoyska Zoobe.
Sidoo kale waxaa magacyada iyo sawirada la soo bandhigay ku jira ninkii
fuliyay qaraxii gaariga TM ee isku qarxiyay isgoyska Zoobe.
Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14ka October ayaa kala ah
1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa Qaraxyada Gobolka Benaadir,
marka uu Gardhuub Amarka ka yimaado
3. Hassan Aden Isaaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii
weerarka 14-ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
5. Abdullahi Abdi Warsame
Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey
waa Maadey (Cismaan Xaaji)
Qaraxii Zoobe ayaa galaaftay nolasha ku dhawaad
400 oo ruux oo muwaadiniin, waxaana uu noqonayaa Qaraxii ugu weynaa ee
taariikhda ka dhaca Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]