4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddi dhaqaalle ka soo Ururiyay Soomaalida Kenya iyo Uganda

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadteen gurmadkii dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay dhacdadii Zoobe, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya, ayaa culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi-gelinta bulshada iyo in ay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale Ururrinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, iyaggoo Guddiga gurmad Qaran ku wareejiyey $350-Kun oo dollar oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-Kun oo dollar oo laga soo Ururiyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14kii October.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]