4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay 40 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururrada Al-shabaab iyo Daacish

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa shan weerar oo cirka ah oo ay  ka geysatay gudaha dalka Soomaaliya ku dishay 40 dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururrada Al-shabaab iyo Daacish.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo weerarro is daba joog ah ka geystay saldhigo Al-shabaab iyo Daacish ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya waxaa ay ku dileenn 36 xubnood oo ka tirsanaa iyo Afar dagaalyahan oo Daacish ah.

Weerarradaan oo ay qaadeen ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa jawaab u ahaa qaraxii dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay Zoobe, kaasoo ay ku dhinteen 385 qof.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhinacooda sii wada duulaanka ka dhanka ah saldhigyada Al-shabaab qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay bur buriyeen saldhigyo muhiim u ahaa Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]