Qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo maanta dib dalka ugu soo noqonaya
Talaado, November, 14, 2017 (HOL) –Waxaa
lagu wadaa in goor dhaw oo maanta ah ka soo degaan garoonka diyaaradaha
magaalada Muqdisho diyaarad ka imaaneysa Turkiga, taasi oo sida 10 ka mid ah
dhaawacyadii Bishii October loo qaaday dalka Turkiga kuwaa oo la sheegay in ay
xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.
Garoonka waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Ehelada
dhaawacyada iyo xubno kale, si ay ugu muujiyaan niyad Wanaaga ay u hayaan.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaliya C/raxmaan Cumar
Cusmaan (Eng Yariisow) oo hadal kooban ku soo qoray facebookiisa ayaa sheegay
in ay u mahad celinayaan Dowladda Turkiga oo kaalin weyn ka qaadatay sidii gargaar
loogu fidin lahaa dhaawacyadan.
“Waxaan u mahad celinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah
bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo’. Ayuu yiri Wasiir
Yariisow.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa si gaar ah xaflad sagootin ugu sameeyey
dhaawacyada, kuwaasi oo muuqaal ahaan marka aad aragto ka muuqanaysa farxad iyo
reyn reyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]