4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 14, 2017
Tirinta codadka doorashada Soomaaliland oo socta

 

Talaado, November, 14, 2017 (HOL) - Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxtinimada Soomaaliland ayaa billaabatay kaddib markii dadku ay shalay codadkooda dhiibteen.

Doorashadan ayaa u muuqata mid Soomaaliland ay ku xoojineyso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin.

Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo. Dadka qaar waxay safafka galeen saacado ka hor intaysan furmin.

In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan madaxweynaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga WDANI iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Natiijada ayaa la filayaa in la shaaciyo maalmo kaddib waxaana lagu guda jiraa tirinta codadkii doorashada oo si wanagsan ku soo dhamaatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]