4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Musharaxiintii xisbiyadda iyo madaxeyne Siiilaanyo oo codayay


Isniin, November 13, 2017 (HOL)- Saddexda Musharax ee xisbiyadda Somaliland iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ka codeeyey xarunta hay’adda shaqaalaha ee badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Madaxda sarsare ee xukuumadda iyo hogaamiyeyaasha xisbiyadda ayaa ka codeeya xaruntan, waxaanay codbixiyeyaasha ugu baaqeen inay si nabadgalyo ah codka u dhiibaan,isla markaana u dul qaataan kulaylka cadceedda iyo xidhiidhiga safafka dhaadheer.

Musharax C/raxmaan Cirro oo ka sharaxan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo ka hadlayey dareenkiisa doorasho waxa uu yidhi “ waan hambalyeynayaa in ay dhiibtaan codkoodda, waxaan ku faraxsanahay inaan ka qaybgalo codeynta oo aan codeeyo, waxaana rajaynayaa inay si nabadgalyo ah u codeyno”

“doorashadan waxay kor uqaaday magaceenii oo hoos u dhacay oo ay hoos u rideen xukuumada, guurtida iyo wakiiladda oo muddo kordhin dhaafi waayey, marka doorashadani waxay inaga dhaqdhaqday magacaasi inaga xumaaday,waxaanay jaraa’idka caalamku sheegeen inay tahay doorashaddii ugu quruxda badnayd aduunkaa, waxaana dalka ku xukumi doona kitaabka alla, waxaanu noqon doona dal lagu daydo, afarta musharax ee kale waan kaga haboonahay”ayuu yidhi Musharax Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbiga UCID.

Waxa isaguna markii uu codka dhiibanayey dareenkiisa dhiibtay Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxan xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “ ilaahay baa mahad leh ina siiyey in doorasho iyo nabad ina wada siiyey, doorasho khayr leh oo wanaag iyo horumar inoo keenta ayaan ka baryeyna, dadka codeynayaa waan hambalyeynayaa dulqaadka iyo safafka dhaadheer ee ay ku jiraan ee ay u samrayaan iyo ciidanka amniga ka shaqayanaya oo si fiicanu shaqaynaya iyo hawl-wadeenada komishanka”

Doorashadan ayaa noqonaysa mid casri ah oo ay adag tahay in musuqmaasuq ka dhaco ama cidi ku shuban karto, waxaana goob kasta ka codeynaya shan boqol oo qof hadii ay ka badata waxa loo kala jabinayaa laba qaybood, si safafka dhaadheer loo yareeyo.

Sidoo kale, dadweyanha codka dhiibayaa ayaa galinkii horaba codadkooda dhiibtay, taas oo galinkii dambe dadku yaraayeen, iyadoo goobaha qaarkoodba galinkii dambe la xidhay ka dib markii ay dhamaadeen dadkii goobahan ka codaynayey ee ka diwaangashannaa.

Deegaanadda xeebaha sida gobolka Saaxil ayaa dadku u samrayeen qoraxda iyo kulaylka xeebta ee jirta,taas oo muujinaysay inay xiiseenayeen doorashadan oo ahayd mid xafiiltan iyo olole aad u sareeya ka jiray, haseyeeshee dadku aad bay soo dhoweynayeen inay codeeyaan, iyagoo dadkii oo kala afkaar ah ama xisbiyo kala duwan u codeynaya hadana safaf ku wada jireen,waxaana maanta faanayey qofkii kaadhkaa codeynta haysta.

Dhinaca kale waxa doorashadan ka soo qaybgallay illaa lixdan kormeerayaal caalami ah iyo lix boqol oo kormeere oo ka socda ururadda bulshadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.