4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Soomaalida degan Atlanta, Georgia oo taageero u muujisay Ahmed Hassan oo ku guuleeystay Golaha deegaanka


Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Soomaalida dagan Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia, ayaa xalay iskugu timid xaflad lagu taageeraayo Ahmed Hassan oo 7-dii bishaan November, mar kale ku guuleysatay Golaha deegaanka Xaafada Clarkston ee degmada DeKalb ee Magaalada Atlanta.  

Axmed Xasan oo ah siyaasiga kaliya ee Soomaaliyeed ee laga doortay gobolkaan, ayaa Sagaal Musharax oga guuleystay doorashadii dowladda hoose ee dhawaan uu galay. Wuxuuna oga mahad celiyay dhammaan dadkii ka qeyb galay xafladdii lagu taageeraayay, codadkii kii ay siiyeen iyo taageerada ay u muujiyeen. 

Wuxuu balan qaaday inuu si siman ogu shaqeyn doono Soomaalida ku nool gobolkaan, isagoona ku booriyay dhalinyarada iney iska soo xulaan cidii beddeli laheyd isla markaasna booskiisa u tartami laheyd marka uu xilligiisu dhammaado 2021-ka.

 Siyaasigaan oo ah Ganacsade ku takhsuusay Xisaabinta iyo Maareynta Maaliyadda, ayaa tibaaxay inuu ka shaqeeyay haggaajinta xiriirka u dhaxeeyo Soomaalida degan gobolkaan iyo Dowladda, sidoo kalana wuxuu muujiyay inuu ku dadaali doono isku-xirka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta horumarkooda. 

Axmed Xasan, ayaa afar sano ka hor noqday qofkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo loo doortay booskaan, marka loo fiiriyo doorashadii dhacday Bishii Nofeembar ee 2013 oo sidaan oo kale loogu doortay Golaha deegaanka dowladda hoose ee Magaalada Atlanta.  

Inkastoo Magaalada Minneapolis oo Atlanta hal saac ka danbeysa isla taariikhdaas lagu doortay Abdi Warsame oo isagana noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee magaaladaas laga doortay.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka