Madaxweyne Waare oo walwal ka muujiyay dagaallada ciidamada dowladda iyo Al-shabaab
Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka
Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walwal ka muujiyay dagaallada ka bilaawday
qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha dhexe oo uu ka
arimiyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay.
Madaxweyne Waare ayaa muujiyay in maamulkiisa wax
watashi ah lagala sameyn dagaallada ka socda deegaanno hoostaga degmada Balcad gaar ahaan deegaanka lagu
magacaabo Basra oo dagaallo culus ciidamada dowladda kula galleen Al-shabaab.
‘’Inkastoo ciidamadu ay ku shaqeynayaan Amarkii madaxweyne Farmaajo oo
dagaalka Iclaamiyay, haddana dagaalku wuxuu u baahan yahay wadatashi iyo in hal
fikir laga wada qaato, sidda ay hadda dagaalladu ku socdaan gaar ahaan
deegaanka Basra runtii Annaga ka maamul ahaan waxaan ka qabnaa walwal aad u weyn,
waxaanan jeclaan laheyn in tallada dib loogu noqdo, ayuu yiri’’ madaxweynaha
maamulka Hirshabeelle.
Waare ayaa intaa ku darray in haddii aan
arrintaa leysaga iman oo wadatashi laga yeellan ay ka dhalan karaan dagaallada hadda socda
dhibaatooyin faro badan.
Diyaarado dagaal ayaa dhawaan lagu waramayaa in ay duqeyn ka geysteen qeybo
ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay in duqeyntaa lagu
bartilmaameedsaday Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]