4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2017
Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo beeniyay in gadiid Qaraxyo soo galleen magaalada Muqdisho

 

Isniin, November, 13, 2017 (HOL) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaan beeniyay taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay ku-simaha taliyaha booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo shacabka.

“ Wararka sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada waa been abuur iyo arrin la rabo in bulshada lagu qalqal galiyo, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay hay’addaha Amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo Amniga lid ku ah ”ayuu yiri ku-simaha Taliyaha Booliska.

Taliyaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray in gadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM la doonayo in lgu fuliyo qaraxyo.

“Waxaa kaloo jira in la leeyahay baabuur AMISOM laga qabsaday in cadawga isticmaalayo, in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka” ayuu  sheegay taliyaha.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay howlgalada lagu sugayo Amniga iyaga oo ka foojigan weeraro loo adeegsado gadiid qaraxyo laga soo buuxiyay oo ka dhaca caasimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]