Xassan Daahir Aweys ‘’ Al-shabaab dowladdiid ma’aha ee dowlad Islaami ah ayeey doonayaan
Sabti, November, 11, 2017 (HOL) – Wadaadka
mudadda dheer xabsi guriga ku ah magaalada Muqdisho Sheekh Xassan Daahir Aweys
kana mid ahaa saraakiishii sar sare ee Ururka Al-shabaab kaddib markii uu bur
buray Ururkii uu madaxda ka ahaa Xisbul Islaam ayaa fariin u diray dowladda uu
madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaaho Farmaajo.
Xassan Daahir oo fariintiisa ku soo hadal qaaday taageerada ballaaran oo ay
shacabka u hayaan madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in arrintaa ay ku timid
sababo badan oo is biirsaday.
‘’ Taageerada ay shacabka kuu muujiyeen dhowr arrimood ayaa keentay sida aan
is leeyahay, waa marka koowaad shacabku wey dhibtoodeen sidaa daraadeed
isbadalka ayeey rabeen iyaga oo aan eegin waxa ku hareereysan isbedalkaa
dhacaya, tan kale mudadii Lixda bilood ah ee aad ra’iisal wasaaraha aheydna
waxbey kaa Ar-arkeen, marka arrimahaa oo isbiirsaday ayaa is leeyahay waxaad ku
heshay taageerada dadweyne ayuu yiri’’ Xassan Daahir Aweys.
Madaxweynaha ayuu kula taliyay in uu siweyn uga fiirsado shaqsiyaadka la
shaqeynaya, isaga oo sheegay in ay jiraan qaar doonaya oo kaliya in ay dhaqaale
sameeyaan.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday aragtida ay dowladda ka qabto
Al-shabaab ayuu sheegay in uusan ku raacsaneyn dowladda habka ay u wajaheyso
Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in aysan dowladdiid aheyn.
‘’Anniga waan ku khilaafsannahay qaabka aad u wajaheyso Al-shabaab oo aad
leedahay waa dowladdiid, waa War uu
cadawga meeriyay ee War Islaam ma’aha, War Soomaali ma’aha, War siyaasi ma’aham War
Caqliyanna ma’aha, Al-shabaab dowladdiid ma’aha laakiin waxaa ay doonayaan dowlad
Islaami ah, waan qirsannahay in ay qaladaad sameynayaan marmarka qaar, laakiin
sida aad ogtahay marka uu dagaal jiro oo koox ay hubka qaadato qalad waa
imanayaa ayuu yiri’’ Xassan Daahir.
Xassan Daahir Aweys oo ah shaqsi siweyn loo garanayo islamarkaana muddo
dheer ka soo mid ahaa Ururada Islaamiga ah ayaa hadda Xabsi Guri ku ah
magaalada Muqdisho oo muddo dheerba uu ku xirran yahay.
Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah raggii ay soo wada shaqeeyeen Xassan
Daahir Aweys ayaa hadda isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]