Jimco, November, 10, 2017 (HOL) - Xukuumadda
Jabuuti ayaa sheegtay in ciidamo kale oo cusub u soo direyso Soomaaliya, kuwaa
oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM.
General Zakariye Sheekh Ibraahim
taliyaha ciidamada militariga Jabuuti ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan
Soomaaliya ka codsatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay si gaar ah
uga howlgali doonaan magaalada Cadaado.
Ciidamadan ayaa soo dhameystay tababar in muddo ah u soconayay, waxaana dhawaan
ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay uga sii
gudbi doonaan Cadaado.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan booqasho
ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya, oo uu kala soo
hadlay sidii garab looga siin lahaa dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.
Jabuuti waxaa Soomaaliya ka jooga Kumannaan Askari oo ka howlgal deegaannada
kala duwan ee gobolka Hiiraan, iyaga oo saldhigooda ugu ballaaran Soomaaliya ku
leh magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]