4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 1 , 2017
Tababar lagu baranayay Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka oo loo soo gabagabeeyay qeybaha bulshada Afar degmo


Arbaco, November, 01, 2017 (HOL) -- Hay’adda SOYDEN iyo Conflict Dynamics International (CDI) oo gacan ka haleya midowga Yurub ayaa tababar lagu bartay Nabada iyo Xalinta khilaafaadka waxaa ay u soo gabagabeeyeen dad ka kala socday qeybaha bulshada ku dhaqan degmooyinka Deyniile, Dherkeenley, Hodan iyo Howl-wadaag.

Tababarkan ayaa dadkii ka qayb galay  waxaa ay ka kala socdeen Guddiyada nabada eed Degmooyinka, Guddiga Deriseynta, Ciidamada Nabadgalyada ee Booliska, Nabadsugida iyo maxkamadaha heer degmo.

Ka qayb galayaasha tababarka ayaa waxay ku baranaayeen qaabka colaadaha looga diggo iyo sida looga hor tago, diiwangelinta Khilaafadka bulshada ka dhaca, xalinta Khilaafadka, xoojinta isku xirka iyo wada shaqeynta qaybaha nabada ka shaqeeya iyo kuwa amniga ka shaqeeya ee heer degmo 

Shaafici Cali oo ka socdo garsoorka oo ka hadley gabagabadii Tababarkaas ayaa waxaa uu yiri “Waxaan ka faaiideeystay sida Garsoorka cadaalad uga shaqeeyn lahaa una saxi lahaa kiisaska loo keeno in ay run yihiin iyo inkale kuwaas oo ah kuwa aan ka faaiidnay”

Cabdiyo oo ah xubin ka socotay DPC oo ka hadshey Kulankaas ayaa waxay tiri “Marka hore waxaan u mahad celinayaa hayada SOYDEN waxaan ka qeyb qaatay tababar 4 maalmood kana socday Hoolka degmada waxaan ka faaiiday habka laamaha amniga loogu xirnaan karo ama loola shaqeeyo”

Ambiya oo ah xubin ka socotay DPC waxayna tiri iyadoo Tababarkaas gabagabdiisa ka hadleysa “Waxaan ka faaiiday tababatkii 4 maalmood isku xrka gudiga Khilaafaadka iyo maamulka, Police-ka, maxkamada iyo dariseeynta”

Sidoo kale waxaa tababarkaas xiritaankiisa ka hadashey Leylo oo ka socotey Dhinaca Maamulka Waxayna tiri “waxaan ka faa’iiday afkaarta dadka in la dhageysto iyo wadatashiga bil walba afar jeer la sameeyo”

Tababarka ayaa waxaa soo xiray guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo ka mahad celiyay tababarka Afarta cisho socday ka socday degmada taa uu ku tilmaamay mid baahi weyn loo qabay.

Agaasimaha Hay’ada SOYDEN  Cisman Muxyadiin Macalin ayaa yiri ‘’ Hadaad aragto afar qof oo meel joogaan oo aad weydiiso maxaad rabtaan waxey ku leeyihiin nabad sidaa darteed waa in aan ku dadaalnaa nabada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]